Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray goobaha degmooyinka caasimadda ee ay ka socoto diiwaangelintu, kana hadlay xaaladda magaalada laascaanood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray goobaha degmooyinka caasimadda ee ay ka socoto diiwaangelintu, kana hadlay xaaladda magaalada laascaanood.
Hargeysa:28/12/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee degmooyinka caasimadda Hargeysa, taas oo si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maayarka caasimadda iyo ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo ku-xigeenkiisa, ayaa soo indho indheeyey goobaha ay diiwaangelinta cod-bixiyayaashu ka socoto, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shacabku isu diiwaangelinayaan, isaga oo warbiximo ka dhegaystay masuuliyiinta komishanka qaranka u qaabilsan goobaha uu kormeeray.
Dadweynaha safafka ugu jirey isdiiwaangelinta, ayaa madaxweynaha sacab kusoo dhaweeyey, kuwaas oo ku faraxsanaa sida ay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga go’an tahay in diiwaangelinta codbixayaasha oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranku maanta bilaabanto.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo markii uu kormeerka soo dhammaystay ka warbixiyey habkii ay dadku isu diiwaangelinayeen, ayaa sheegay inay muwaadiniintu si habsami leh waajibkooda u gudanayeen, waxana uu yidhi,“Dadku aad iyo aad bay u abaabulnaayeen, wayna gudanayeen muwaadiniintu masuuliyaddoodii ahayd inay qaataan kaadhka cod-bixinta ee talada dalka cidda hoggaaminaysa kaga qaybgelayaan.”
Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay cid kasta oo diiwaangelinta qayb ka ah, isaga oo ku tilmaamay Albaabkii u horreeyey ee dalka doorasho ku suurogelaysay,“Maanta waxa aynu taagannahay albaabkii ugu horreeyey ee doorashooyinka, waana in diiwaangelintaa la galo, dhammaan dhallinyarada ka shaqaynaysa diiwaangelintana waan u mahadnaqayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si adag uga hadlay dilalka soo noqnoqday ee ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo tacsiyeeyey geerida ku timi marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo ay habeen hore dablay hubaysani ku dileen gudaha laascaanood iyo xubno kale oo maalintii shalay ku geeriyooday rabshado gudaha magaalada ka dhacay, waxana uu yidhi,“Waxan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyeynayaa Somaliland oo dhammina ka xun tahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood shalay iyo habeen hore. Shalay waxa buuqii laascaanood inagaga dhintay saddex qof, waxana inaga dhaawacmay Sagaal, waana mushkilad naxdinteeda leh oo aynaan filayn, waana la qaybsanaynaa xanuunkii ay dadkaasi ka dhinteen, meel ay joogaanba, arrinaas soo noqnoqotay ee haldoorka laascaanood lagu beegsanayaana waa arrin u baahan in wada-jir isugu wada tagno ee helno halka ay ka socoto.”
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta xukuumadda gobolka Sool ku sugan iyo maamulka degmada Laascaanood ba ugu baaqay inay si degdeg ah uga hawlaan sidii loo soo afjari lahaa dhibka Laascaanood ka taagan, xukuumadda iyo dadweynuhuna iyaga oo midaysan dhexda u xidhaan soo afjaridda beegsiga lagu hayo haldoorka reer Sool.
Wa-bilaahi Tawfiiq